Kobbie Mainoo ayaa kooxdiisa Manchester United u saxeexaya heshiiskii ugu horreeyey ee xirfadeed oo si weyn sare ugu qaadi doona mushaharkiisa, kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda koowaad xilli-ciyaareedkan.
Horraantii xilli-ciyaareedkan ayay Manchester United qorshaysay inay Kobbie Mainoo siiso heshiis cusub oo toddobaadkii uu mushahar ugu qaadanayo £60,000 Gini.
Mainoo oo ay da’diisu tahay 18 jir, ayaa mar horeba qalinka ku duugay heshiis cusub oo soconaya illaa sannadka 2027, laakiin Man United ayaa doonaysa inay isbeddel ku samayso oo lagu daro qodob dhigaya, in Man United ay sannad kale oo dheeraad ah ku kordhin karto heshiiska.
Markii uu Mainoo kooxda koowaad usoo dallacay, waxa uu mushaharkiisu ahaa £20,000 Gini, laakiin dhawr bilood gudahood ayuu saddex-jibbaar ku noqon doonaa iyadoo Red Devils ay ka go’an tahay in aanay bixinin wax fursad ah oo laacibkan uu kaga tegi karayo.
Wada-hadallo cusub oo horraantii bishan ay Manchester United la bilowday Kobbie Mainoo ayaa waxa ay Red Devils ku doonaysaa in Mainoo uu u saxeexo qandaraas cusub oo soconaya illaa laga gaadhayo June 2030, kaas oo sidoo kale mushaharkiisa kasii kordhin doona £60,000 Gini usbuucii.
Laacibkan ayaa 22 ciyaarood oo uu u saftay Manchester United xilli-ciyaareedkan waxa uu sidoo kale kusoo jiitay tababaraha xulka qaranka England oo qorshaynaya inuu ku daro liiska xiddigihiisa tartanka Euro 2024.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska cusub ee Kobbie Mainoo ay ka saxeexayso Manchester United ayaanu ku jirin qodob dhigaya in qiime cayiman lagu burburin karayo.