Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa noqday ciyaartoyga rikoodheyaashii ugu badnaa abid u dhaliyey kooxdaas, kaddib markii uu qaybta hore ee ciyaartii Everton uu shabaqa ku hubsaday rikoodhe.
Bruno Fernandes ayaa qaatay kubbadda markii uu James Tarkowski qalad ku galay Alejandro Garnacho oo xerada ganaaxa uu ku riday, waxaana uu si xarrago leh u dhamaystiray kubadda oo uu ku toogtay dhinaca midig, waxaana gaadhi waayey goolhaye Jordan Pickford oo kubadda raacay.
Xiddiga reer Portugal ayaa waxa uu sidaas ku noqday ciyaartoyga ugu rikoodheyaal dhalinta badan taariikhda Manchester United, waxaana uu dhaafay Ruud van Nistelrooy oo rikoodhkan hore u haystay oo dhaliyey 28 rikoodhe.
Sidoo kale, ma jiro ciyaartoy ka rikoodheyaal dhalin badan horyaalka Premier League Bruno Fernandes tan iyo markii uu yimid Old Trafford sannadkii 220, waxaana uu saxeexay 17 gool oo kaliya ah horyaalka Premier League.
Bruno Fernandes ayaa helay fursad kale oo uu kusii kordhisan karayay goolashiisa rikoodheyaasha ah markii rikoodhe labaad loo dhigay Manchester United kaas oo mar kale lagu galay Alejandro Garnacho oo kubbad uu meel fog kasoo jiiday oo uu dersin ciyaartooyo ah usoo jaray uu xerada ganaaxa ku jallaafeeyey Ben Godfrey.
Waxa rikoodhahan labaad uu Bruno Fernandes uga tanaasulay Marcus Rashford oo isaguna shabaqa ku hubsaday isaga oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Jordan Pickford.