Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa go’aan ka gaadhay dacwaddii u dhaxaysay Jude Bellingham iyo Mason Greenwood ee ay gudbisay Getafe, taas oo ku eedaysay kubbad-sameeyaha Real Madrid inuu aflagaaddo u geystay Greenwood markii ay labada kooxood ku kulmeen horyaalka bishii hore.
LaLiga ayaa u yeedhay dadka akhriya debnaha dadka si ay u hubiyaan haddii uu Jude Bellingham ku yidhi Greenwood kalmad ahayd ‘waxa aad tahay dumar kufsade’, taas oo ay Getafe sheegtay in Bellingham uu yidhi markii ay labada ciyaartoy isku dhaceen bishii February.
Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay, in haddii Bellingham lagu heli lahaa kiiskan, in uu mutaysan lahaa ganaax illaa toban ciyaarood ah taas oo halis gelin lahayd inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.
Jude Bellingham oo sidoo kale xuddun u noqday khilaaf ka dhashay ciyaartii Valencia ee Mestalla Stadium oo uu qaatay casaan toos ah markii uu garsooruhu diiday gool uu dhaliyey dhamaadkii, ayaa waxa lagu riday ganaax laba ciyaarood oo horyaalka ah, hase yeeshee Real Madrid ayaa shaacisay inay rafcaan ka qaadanayso.
Real Madrid ayay nafis u tahay in la laalay kiiska dacwadda Mason Greenwood ee ka dhanka ah Jude Bellingham, hase yeeshee waxay dedaal badan ku bixin doonaan sidii meesha looga saari lahaa ganaaxa labada ciyaarood ee soo aaddan ee horyaalka LaLiga.