Halyeyga Real Madrid ee Predrag Mijatovic ayaa weerar afka ah ku qaaday xiddiga Brazil ee Vinicius Junior, waxaana uu u sheegay inuu joojiyo istusnimada iyo waxyaabaha ka baxsan anshaxa ee uu ka sameeyo garoomada, kaddib markii uu laacibkani ka badbaaday in casaan toos ah la siiyo ciyaartii RB Leipzig ee tartanka Champions League.
Vinicius Junior ayaa dhaliyey goolka Real Madrid u sahlay inay usoo gudubto wareegga 16ka, isaga oo si qurux badan u dhamaystiray baas uu ka helay Jude Bellingham.
Los Blancos nasiib ayay ku lahayd inay soo gudubtay ciyaartan sababtoo ah waxa goolkeeda la toogtay 34 jeer, halka Vinicius Junior uu ku sigtay inuu casaan qaato.
Predrag Mijatovic oo darsay xaaladda Real Madrid ay ku sugnayd xalay ayaa yidhi: “Waxa kaliya ee aynu haysanaa waa inaynu soo gudubnay, wixii kale ee wanaagsanaa waa la tuuray. Hadda xataa ma falanqayn karayo wixii wanaagsanaa ee ciyaarta gudaheeda ahaa.:
Intaas kaddib ayuu Predrag Mijatovic dhalleecayn u jeediyey Vinicius Jr, waxaanu yidhi: “Real Madrid uma dul-qaadato in ciyaartoy shaadhkeeda xidhan uu sidan u dhaqmo, waa laga yaabaa in kooxaha kale ay ogolaadaan oo ay u arkaan wax caadi ah, laakiin Real Madrid ma ogolaato.
“Vinicius waa inuu is-dejiyo, haddii kale waligii ma noqon doono ciyaartoy halyey ah xataa isaga oo kubbad ahaan wax fiican samaynayo. Vinicius waa ciyaartoy aan la saadaalin karaynin, waxa uu ku jiraa qaab fiican laakiin xataa ciyaartoyda kooxdiisa ayaan garanayn waxay ka filayaan. Qaarkood waxay u maleeyaan inay la hadlayaan canug yar.”