Kooxaha kubadda cagta Real Madrid iyo Manchester City ayaa usoo gudbay wareegga siddeedda tartanka Champions League, halkaas oo ay hore usii tageen Bayern Munich iyo PSG oo xalay guulo gaadhay.
Real Madrid ayaa ciyaar ay ku rafaadday oo ay barbarro 1-1 ah la gashay RB Leipzig oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabeu, taas oo tababare Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa uu nasiibku u hiiliyey maadaama fursado badan oo halis ahaa ay iska khasaarisay RB Leipzig.
Vinicius Junior ayaa keenay goolka Real Madrid oo uu si xarrago leh usoo xarakeeyey Jude Bellingham, kaas oo albaabka u dhigay Vini oo isaguna hal taabash ku dhamaystiray. Laakiin RB Leipzig ayaa saddex daqiiqadood oo kaliya ugu jawaabtay oo keentay goolka barbarraha oo uu madax ugu dhaliyey Willi Orban.
20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayay RB Leipzig go’aamin karaysay inay usoo gudubto wareegga xiga isla markaana Real Madrid ka hadho tartanka, balse waxa fursadaheedii ka lumiyey Openda, Sesko iyo Dani Olmo oo saddexdaba uu nasiibku diiday.
Daqiiqaddii 90+2 ee ciyaarta ayaa naxdin ay taageereyaasha Real Madrid afka kala qaadeen markaas oo uu Dani Olmo uu kubbad ka dul-qaaday goolhaye Andriy Lunin ay ku dhacday birta, kaddibna bannaanka u baxday.
Real Madrid oo kusoo gudubtay wadarta labadii lugood oo ah 2-1, ayaa waxa qaybtii hore la baxsaday goolhaye Lunin oo saddex kubbadood oo halis ahaa ka badbaadiyey, waxaana libintoodan ay uga mahad-celinayaan laacibkan reer Ukraine.
Dhinaca kale, Manchester City ayaa 3-1 ku karbaashtay FC Copenhagen oo marti ugu ahayd Etihad Stadium iyadoo ciyaartan uu tababare Pep Guardiola nasiyey xiddigihiisa waaweyn sida Kevin de Bruyne, Phil Foden, Bernardo Silva, John Stones iyo Rodri oo uu la baxay qaybtii dambe.
Sagaalkii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayay Manchester City ku hoggaaminaysay 2-0 iyadoo Manuel Akanji iyo Julian Alvarez ay min hal gool dhaliyeen ka hor inta aanay FC Copenhagen isasoo canaanan ee aanay keenin gool madi ah.
Erling Haaland ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore waxa uu dhaliyey goolka saddexaad ee kooxdiisa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-1.
Manchester City ayaa wadarta ama celceliska labadii lugood waxa ay kusoo gudubtay 6-2.