Xiddiga kooxda Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa halis ugu jira in laga ganaaxo tartanka Champions League iyadoo durba laga ganaaxay horyaalka La Liga.
Bellingham ayaa la ganaaxay labo kulan oo horyaalka ah kadib casaankii uu qaatay kulankii Valencia ee Sabtidii.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Borussia Dortmund ayaa u moodayay inuu dhaliyay gool waqtigii dhimashada ee ciyaartii Valencia.
Laakiin garsooraha ayaa yeeriyay seeriga dhamaadka ciyaarta ka hor inta uusan Bellingham goolka dhalinin, taasoo keentay in goolka la diido. Bellingham ayaana si careysan u la hadlay garsooraha taasoo keentay in casaan la siiyo, waxaana maanta la duldhigay ganaax labo kulan ah uu ku seegayo horyaalka La Liga ee Celta Vigo iyo Osasuna.
Bellingham ayaase ciyaari kara kulanka caawa ee lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ay la ciyaarayaan RB Leipzig.
Si kastaba, 20 jirkaan ayaa halis ugu jira inuu ganaax ku maqnaado lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Champions League haddii kooxdiisa ay soo baxdo.
Bellingham ayaa labo jaale qaatay xilli ciyaareedkan Champions League kulamadii Napoli iyo Union Berlin.
Mid wuxuu ku qaatay muran uu la galay garsooraha halka midka kale la siiyay markii ay isku dhaceen Rani Khedira.
Bellingham ayaa hal kulan la ganaaxi doonaa haddii uu jaale qaato kulanka caawa ee RB Leipzig isagoo seegi doona lugta hore ee wareega sideed dhamaadka haddii ay kooxdiisa soo baxdo.
Waxaa isna la mid ah saaxiibkiisa Edouardo Camavinga oo isna labo jaale qaba xilli ciyaareedkan tartanka Champions League.