Tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe wuu ka duwanaan doonaa midka hadda jira, waxaana la kordhin doonaa tirada kooxaha iyadoo gebi ahaanba laga guurayo sida hadda loo sameeyo isku aadka iyo group-yada intaba.
32 kooxood ayaa ka qayb-gala tartanka Champions League waqtigan, laakiin xilli-ciyaareedka dambe waxay tirada kooxuhu noqon doonaan 36, taas oo ka dhigan in afar kooxood lagu soo kordhin doono.
Faahfaahinta qaabka uu tartanku u shaqayn doono ayaa ahayd waxa ugu weyn ee ay jamaahiirta kubadda cagtu doonayeen inay ogaadaan, hase yeeshee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa daaha ka feyday oo caddeeyey dariiqa la marayo iyo sida kooxuhu u wada dheeli doonaan.
◉ 36ka kooxood ayaa loo qaybin doonaa afar meelood oo min sagaal kooxood ah oo ah dariiqa loo marayo wareegga 16ka iyo marxalad kale oo isreeb-reeb loo dirayo.
◉ Koox walba waxa ay la ciyaari doontaa siddeed naadi oo kale oo ay isku qayb noqonayaan maadaama afarta meelood ay meel walba noqonayso min sagaal kooxood. Afar ciyaarood oo garoonkeeda ah iyo afar kale oo ay marti noqonayso ayaa koox walba ay dheeli doontaa, waana marxaladda koowaad oo ah meeshii group-yadu awal hore ku jiri jireen.