Liverpool ayaa laga soo diiday codsi la xiriira Mohamed Salah oo ay dirtay Masar.
Intii lagu guda jiray Koobkii Qaramada Afrika ee bishii Janaayo, Salah ayaa walwal geliyay taageerayaasha Liverpool ka dib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray.
Xiddiga reer Masar ayaa ku dhawaad muddo bil ah ka maqnaa garoomada waxana uu ku soo laabtay kulankii Brentford bishii hore.
Si kastaba ha ahaatee, Salah ayaan u safan Reds tan iyo markii uu ka soo muuqday garoonka Gtech Community Stadium, sababa la xiriira dhaawacii oo soo laabtay.
Kahor kulamada ciyaaraha caalamiga ah, Liverpool ayaa codsatay Salah in laga saaro xulka Masar.
Faraaciinta ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan tartan saaxiibtinimo oo ka dhacaya dalka Imaaraadka Carabta, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya xulalka Tunisia, Croatia iyo New Zealand.
Hase ahaatee, codsigoodii waa la diiday.
Sida laga soo xigtay Anfield Watch, bayaan ka soo baxay xiriirka kubbadda cagta Masar ayaa u dhignaa: “Waxaan helnay warqad Liverpool ah oo ku saabsan in Mohamed Salah laga saaro xulka dhaawacas oo gaaray awgeed.
“Waxaan u dirnay magaca Mohamed Salah ciyaartoyda xirfadleyda ah ee aan codsaneyno in lagu daro xulka maalmaha soo socda.”
Bayaanka waxaa sidoo kale lagu yiri: “Waxaan xaq u leenahay in aanu ciyaartoy kasta oo xirfadle ah ku soo darno xulka inta kulamada caalamiga ah ay jiraan. Arrinta ku saabsan in lagu daro iyo in kaleba waxa gacanta ku haya shaqaalaha farsamada ee qaranka oo uu ugu horreeyo Hossam Hasan.
“Weli waa goor hore in go’aan laga gaaro arrinta, haddii Mohamed Salah uu ciyaaro wax kulan ah ka hor bilowga tababarka xulka, waxaa lagu soo darayaa xulka, waana la baarayaa, waxaana go’aamin doona haddii uu diyaar yahay shaqaalaha caafimaadka ee xulka qaranka Masar.”
Liverpool ayaa Khamiista la ciyaareysa Sparta Prague kulan ka tirsan Europa League ka hor inta aysan la ciyaarin Manchester City Axada.
Haddii Salah uu ciyaaro midkood labadaas kulan Masar waxaa ka go’an inay ciyaarsiiso Salah kulamada saaxiibtinimo taasoo aad uga careysiin doonta Jurgen Klopp oo doonaya in Salah uu taam buuxda noqdo ka hor kulamada ka haray xilli ciyaareedka.