Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la hordhigay laba dalab oo kala dambeeyey oo ay Bayern Munich kasoo gudbisay xiddiga reer Aruguay ee Ronald Araujo oo Bavaria ay doonayso inay la wareegto xagaaga soo socda.
Araujo oo laf-dhabar u ahaa Barcelona sannadihii ugu dambeeyey, ayaa ka mid noqday afarta kabtan ee xilli-ciyaareedkan hoggaamiya kooxdaas.
Bandhiggiisa gudaha garoonka iyo in uu yahay hoggaamiye ayaa Ronald Araujo ka dhigtay ciyaartoy lama taabtaan u ah Barcelona, waxaase tan iyo bishii January albaabka u garaacaysay Bayern Munich oo laba dalab oo kala dambeeyey ka gudbisay.
Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Bayern Munich ayaa dalabkii koowaad ee ay ka gudbisay Ronald Araujo waxa uu ahaa €70 milyan oo Euro oo kaash ah oo lagu daray €10 milyan oo Euro oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa.
Dalabka labaad ayaa ahaa €80 milyan oo Euro oo aqad ah iyo €10 milyan oo kale oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho laacibkan.
Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona ay diidday labada dalabba, taasina ku qasabtay Bayern Munich in ay la saxeexato Erik Dier oo ay u kordhisay qandaraaskiisii waqtiga kooban ahaa ee ay bishii January kula soo wareegtay.