Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda khadka dhexe ee Devin De Bruyne oo la sheegay in uu xagaaga soo socda tegi doono horyaalka waddanka Sucuudiga.
32 jirkan ayaa waxa uu bartilmaameed weyn u yahay kooxaha waaweyn ee dhaqaalaha ku farraqaya ciyaartoyda, waxaana sidoo kale ay doonayaan Mohamed Salah oo laf-dhabar u ah Liverpool.
Heshiiska uu De Bruyne kula jiro Manchester City ayaa soconaya illaa xagaaga 2025, hase yeeshee Manchester City ayaa u aragta inay fursad u tahay inay iibiso xagaaga haddii ay ku hesho lacag u qalanta, maadaama ay da’diisu weynaanayso isla markaana dhaawacyo kusoo noqnoqdeen.
Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegayso, Manchester City ayaa waxay go’aansatay in Kevin Dqe Bruyne ay iibiso xagaaga haddii ay kooxaha Sucuudigu bixiyaan £100 milyan oo Gini oo kaash ah, si ay ugu raadsadaan ciyaartooyo da’doodu yar tahay oo karti leh oo beddelkiisa noqda.
De Bruyne oo 99 ciyaarood u saftay xulka qaranka Belgium, ayaa tan iyo markii uu kasoo laabtay dhaawaca bishii hore, waxa uu u dhaliyey Man City laba gool iyo siddeed kale oo uu caawiye ka noqday.
Xagaagii hore, weeraryahanka reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa ka tegay Man City oo u wa3reegay kooxda Al-Ahli, iyagoo afka hore ka wada ciyaara Roberto Firmino iyo Allan Saint-Maximin, iyadoo kooxdoodu hoggaanka haysa.
Waxa kale oo horyaalka Sucuudiga ka degay difaacii Man City ee Aymeric Laporte oo ku biiray Al-Nassr oo ay u wada ciyaaraan Cristiano Ronaldo iyo Sadio Mane.