Chelsea ayaa xaqiijisan doonta booskeeda wareega isreebreebka tartanka Europa Conference League haddii ay qaadaan koobka Carabao Cup, laakiin khabiir ku tashasusay dhaqaalaha kubada cagta ayaa aaminsan inay dani ugu jirto inay raacdo wadadii AC Milan.
Chelsea ayaa u soo bixi doonta tartanka seddexaad ee Yurub haddii ay Axada ka badiyaan Liverpool oo ay qaadaan koobka Carabao Cup.
Laakiin waxaa durba su’aalo laga keenay haddii kooxda ay dhaqaale ahaan awoodo inay ka qeyb qaadato tartanka Europa Conference League.
Sida ay sheegtay The Athletic, ciyaartoyda Chelsea ayaa heli doona lacago abaalmarino ah oo qeyb ka ah qandaraasyadooda haddii ay u soo baxaan tartamada Yurub.
Waxay tani saameyn ku yeelan doontaa mushaharka ay bixiso kooxda iyo sidoo kale inay u hogaansanto sharciga dhaqaale wanaaga ee UEFA.
Haatan kooxda ka dhisan Galbeedka London waxay u baahan tahay kaliya inay u hogaansanto sharciga dhaqaale wanaaga Premier League.
Laakiin haddii ay u soo baxaan Europa Confrence League waxay ku qasban yihiin inay u hogaansamaan sharciga dhaqaale wanaaga UEFA.
Kieran Maguire oo ah khabiir ku tashasusay dhaqaalaha kubada cagta ayaa aaminsan in Chelsea ay dani ugu jirto inay aqbasho in laga mamnuuco tartamada Yurub sida ay AC Milan ay sameysay.
Sannadii 2019kii, AC Milan iyada ayaa si iskeed ah u aqbashay in sannad laga mamnuuco tartamada Yurub madaama ay ogaayeen inay jabinayaan sharciga dhaqaale wanaaga UEFA, taasoo la micno aheyd inay ka qeyb qaadan waayeen Europa League xilli ciyaareedkii 2019-20.
“Chelsea waxay dani ugu jirtaa inay sameyso sida AC Milan” ayuu Maguire u sheegay The Athletic.
“Marka ay bixiyaan lacagaha abaalmarinta ee ciyaartoyda ee ku xirnaa inay u soo baxaan tartanka, marka ay bixiyaan qarashaadka safarka, huteelada iyo qarashaadka kale, waxay Conference League ka sameynayaan lacag aad u yar,
“Dabcan taageerayaal badan ma daawanayaan tartanka madaama lala ciyaarayo kooxo yar yar. Haddii ay ogsoon yihiin inay jabinayaan sharciga dhaqaalaha ee UEFA, waxaa mudan inay isweydiiyaan su’aasha ah: “Ma u baahanahay inaan ka ciyaarno Conference League xilli ciyaareedka danbe?”