Arsenal ayaa loo diiwaangeliyay xog ceeb ah kulankii ay guuldarada lama filaanka ah kala kulantay FC Porto ee Champions League.
Gunners ayaa guuldarro ay ka soo gaartay lugta hore ee wareega 16ka ka dib markii uu Galeno shabaqa ka soo taabtay daqiiqadii 94aad.
Waa markii ugu horeysay oo kooxda Arsenal ay ku guuldareysato inay hesho xitaa hal darbo oo goolka ku bartilmaameedsan tartanka Champions League tan iyo markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Barcelona sannadii 2011kii.
Kulankaas goolka Arsenal waxa uu ahaa mid uu iska dhaliyay Sergio Busquets.
Seddexda afka hor eee Leandro Trossard, Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka ayaa ku hor dhibtooday daafaca FC Porto.
Martinelli wax darbo ah ma uusan helin intii ay ciyaarta socotay oo dhan, halka Saka uu kaliya hal jeer kubada ku taabtay xerada ganaaxa FC Porto.
Weeraryahanada wax caawinaad ah kama aysan helin ciyaartoydii quudin lahaa iyadoo Kai Havertz uu helay kaliya hal kubad oo madax ah oo uu banaanka mariyay.
Halka daafacyada William Saliba iyo Ben White ayaa iyagana seegeen fursado madaxa ah oo ay heleen.
Waxaa intaas uga sii daran inay guuldaradaan tahay midii shanaad ee isku xigta ee Arsenal ku soo gaarta wareegyada bug baxda ee Champions League.