Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa barbarro niyad-jab ah la gashayo Rayo Vallecano, waxaanay sidaas ku lumisay laba dhibcood oo soo yaraynaya farqiga dhibcaha ay hoggaanka kaga hayso kooxaha quusta kusii dhowaanayey ee Barcelona iyo Atletico Madrid.
Real Madrid ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta oo uu gool ay VAR hubisay u dhaliyey Joselu, laakiin Rayo Vallecano ayaa heshay rikoodhe uu gool u beddelay Raul De Tomas oo uu hore ugu ciyaari jiray carruurnmadiisii.
Weerar degdeg ahaa ayay Real Madrid ku furatay ciyaarta oo aan wali kululaanin, kaddib markii kubbad uu difaacu iska soo saaray uu helay Luka Modric oo isaguna badhtamaha garoonka ugu dhiibay Fede Valverde oo kasoo jabiyey dhinaca midig, isla markaana uu Joselu ku leexiyey goolka, sidaasna waqti hore ay Los Blancos ku dabbaal-degtay.
Real Madrid ayaa keentay gool labaad gool labaad oo u dhaliyey Joselu, daqiiqaddii 19aad, balse waa la diiday goolkaas iyadoo la isku raacay inay offside ahayd ciyaartu.
Kubbad uu Oscar Trejo ku toogtay goolka ayaa waxa ay gacanta kaga dhacday Eduardo Camavinga oo isku dayayey inuu isku dhigo kubadda, waxaana markiiba uu garsooruhu tilmaamay in ay rikoodhe tahay, kaas oo uu gool u beddelay Raul De Tomas.
Los Blancos oo ahayd kooxda fursadaha badan ayaa waxa kubbado halis ahaa ka kharaasiyey Rodrygo Goes oo beddel kusoo galay, halka Toni Kroos laga badbaadiyey darbad xooggan oo laad xor ahayd.
Dani Carvajal oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa lagu saaray kaadh casaan ah markii uu gacantiisa ku dhuftay ciyaartoy jiidanayey, taas oo ka dhigan in dhibaatada Real Madrid ay sii socon doonto illaa kulanka dambe.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay haysato 62 dhibcood, waxaanay lix dhibcood ka horreysaa Girona oo aan wali ciyaarin oo kaalinta labaad ku jirta, halka Barcelona oo kaalinta saddexaad fadhidana ay siddeed dhibcood ka sarreeyaan.