Maxkamad ku taalla waddanka Spain ayaa xukun ku ridday kooxda kubadda cagta Barcelona oo sannadihii ugu dambeeyey loo haystay inay jabisay sharciga kubadda cagta iyo in masuuliyiinteedu ay sameeyeen musuqmaasuq oo ay la baxsadeen cashuuro kooxda ku waajibay.
Maxkamadda Qaranka Spain ayaa go’aan ka gaadhay rafcaan ay Barcelona usoo qaadatay kaddib xukun hore oo lagu riday, waxaase ay mar kale xukunkan rafcaan uga qaadan doonaan maxkamadda sare ee Spain oo ay maalmaha soo socda Barcelona kiiskeeda u gudbin doonto.
Barcelona oo sidoo kale wadnaha farta ku haysa oo loo haysto inay jabisay sharciga dhaqaalaha oo ay UEFA baadhitaanno ku sayso, wararkuna sheegayaan inay suurtogal tahay in laga saaro tartanka Champions League, ayaa waxa ay maxkamaddu maanta ku heshay in aanay bixinin lacago cashuuro ah oo ku waajibay.
Xukunka ayaa waxa uu dhigayaa, in Barcelona ay hadda bixiso lacag dhan 23 milyan oo Euro oo ah magdhow iyo lacago cashuuro ah oo ay la baxsatay intii u dhaxaysay sannadihii 2012 illaa 2015, waqtigaas oo ciyaartooyo ay soo iibsatay iyo gunnooyinkii ay siisay wakiilladooda aanay bixinin cashuurihii laga doonayey.
Barcelona ayaa isku dayday inay iska difaacdo eedaha loo haysto, laakiin waxa ka awood badnaaday xeer ilaalinta Spain oo caddaymo horkeentay.
Markii uu xukunku soo baxay ayay Barcelona soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in ay rafcaan u qaadan doonto maxkamadda sare ee waddanka Spain.