Newacstle United ayaa liiska ciyaartoydeeda laga saaray laba ciyaartoy oo ku joogay lacag ka badan £57 milyan oo Gini, kuwaas oo aan qayb ka noqon doonin qaybta dambe ee xilli-ciyaareedka 15 kulan oo horyaalka ah u hadhsan yihiin.
Xilli-ciyaareed kasta, kooxaha Premier League waxay gudbiyaan 25 ciyaartoy oo u dheelaya kulamada xilli-ciyaareedka, waxaana ay isbeddel ku samayn karaan suuqa January oo ay ciyaartoydii hore qaarkood ka saari karaan, kuwo kalena ku kordhin karaan.
Markii uu soo xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda ee January toddobaadkii hore, ayaa ay kooxuhu gudbiyeen liiskooda, waxaana Newcastle oo bishii September gudbisay 25 ciyaartoy, balse waxa liiskaas laga saaray laba ciyaartoy, taas oo ka dhigan in ay kaliya 23 ciyaartoy isticmaali doonaan 15ka ciyaarood ee horyaalka ee hadhsan.
Tababare Eddie Howe ayaa waxa uu awoodi waayey in uu beddelo Sandro Tonali oo ganaax siddeed bilood ah oo la saaray ku maqnaanaya xilli-ciyaareedka oo dhan iyo Javier Manguilo.
Tonali ayaa ay Newcastle xagaagii kasoo iibsatay Newcastle iyadoo kasoo bixisay £52 milyan oo Gini, waxaana baadhitaanno lagu sameeyey lagu helay in uu sameeyey khamaar mamnuuc ah taas oo keentay in laga ganaaxo xilli-ciyaareedkan.
Sidoo kale, Javier Manguillo oo lix sannadood iyo badh joogay Newcastle kaddib markii sannadii 2017 ay £5 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Atletico Madrid ayaa muddooyinkii dambe ay ku adkaatay inuu helo boos uu ka ciyaaro, waxaana bishii hore uu si bilaash ah ugu wareegay Celta Vigo.