Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, isaga oo odorosay sida uu noqonayo miiska kala-sarrayntu maalinta ugu dambaysa ee lasoo gabogabaynayo xilli-ciyaareedku.
Waxa uu Supercomputer saadaashiisa kusoo bandhigay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka, afarta sare ee Premier League uga qayb-geli doona tartanka Champions League, kuwa imanaya Europa League iyo Conference League iyo waliba saddexda heerka labaad u dhici doona.
Horyaalka Horyaalka Premier League oo ay hayso Liverpool oo min laba dhibcood ka horreysa Manchester City iyo Arsenal oo isku dhibco ah laakiin ay City baaqi u tahay ciyaar haddii ay soo guuleystaan ay figta sare kali ku noqon doonaan, ayaa waxa uu Supercomputer si aad ah uga nixiyey Manchester United oo uu u sheegay in ay iska illoobaan inay kasoo qayb-galaan tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe.
Premier League oo ay ka hadhsan yihiin 15 illaa 16 ciyaarood, ayaa waxa kale oo saadaashani ay ka nixisay Jurgern Klopp oo loo sheegay in aanay kooxdiisu awoodi doonin inay ku guuleysato horyaalka Premier League, sidaas daraadeedna uu ka tegi doono Ingiriiska isaga oo hal mar oo kaliya ku guuleystay Premier League.
Arsenal ayaase kasii liidan doonta Liverpool oo u dhici doonta kaalinta saddexaad, halka Tottenham ay ku dhamaysan doonto kaalinta afraad iyadoo Manchester United iyo Aston Villa ay kala haysan doonaan shanaad iyo lixaad, waxaase toddobaad soo cidhiidhsan doonta Chelsea.
Heerka labaad ayaa waxa u dhici doona Sheffield United, Burnley iyo Nottingham Forest oo tababare Nuno Espirito Santo aanu awoodi doonin inuu badbaadiyo.
Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer ee halka ay koox walba ku dhamaysan doonto: