Liverpool ayaa lagu waramayaa inay xiriir la sameysay Xabi Alonso si uu u bedelo tababare Jurgen Klopp xilli ciyaareedka soo socda.
Waxaa la sheegay inuu ugu sareeya liiska musharaxiinta ee ay Liverpool gacanta ku heyso, waxaana uu ka mid yahay tababarayaasha sida weyn loo doonayo Yurub ka dib markii uu Bayer Leverkusen geeyay halka ugu sareysa ee Bundesliga.
Foot Mercato ayaa sheegeysa in durbaba uu xiriir dhexmaray Liverpool iyo Alonso, iyagoo kala hadlay tababaraha reer Spain haddii uu xiiseynayo inuu ku laabto garoonka Anfield.
Klopp ayaa xaqiijiyay inuu iska casilayo shaqada Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib sagaal sannadood uu joogay kooxda, iyadoo Alonso durbadiiba loo arkayay shaqsiga ugu cadcad ee bedelaya tababaraha Jarmalka.
Alonso ayaase warbaahinta horteeda iska fogeeyay shaqada ka soo banaanaatay Liverpool isagoo yiri:
“Amakaak ayay igu aheyd warka Jurgen. Ixtiraam weyn ayaan u hayaa Jurgen iyo Liverpool. Waqti xaadirkaan waxaan ku faraxsanahay halkaan, waana ku riyaaqayaa shaqadeyda.”
Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in qandaraaska Alonso ee Bayer Leverkusen inuu ku jiro qodob dhigaya in lacag lagu burburin karo oo Liverpool ay iibsan karto qandaraaskiisa. Laakiin taasi waxaa beeniyay madaxa guud ee kooxda Jarmalka Fernando Carro laakiin wuxuu shaki geliyay inay ceshan karaan Alonso mar haddii ay Liverpool soo wacdo.