Waxa sannadkan lagu qabanayaa waddanka Ingiriiska Koobka Adduunka ee ciyaartoyda ay da’doodu ka weyn tahay 35 jirka, kaas oo ay ka qayb-geli doonaan ciyaartoyda kubadda ka fadhiistay oo ay kasoo muuqan doonaan xiddigo waaweyn oo sannado kasii maqnaa garoomada.
Qorshaha ayaa waxa uu yahay in Koobkan Adduunka si joogto ah loo qabto, waxaana doorkan lagu daahfuri doonaa siddeed xul oo haddaba lasii ogaaday xiddigaha ay qaarkood xulan doonaan.
Waddamada England, Argentina, Brazil, France, Germany, Italy, Spain iyo Uruguay oo dhamaantood ah siddeed dal oo hore ugu guuleystay Koobka Adduunka ayaa ka qayb-geli doona, waxaana uu bilaabmi doonaa bisha June ee sannadkan.
Tartankan ayaa waxa qabanqaabiyey ururka ciyaartoyda hore ee lagu magacaabo ‘Elite Players Group (EPG)’ ayaa waxa ay qorshaha qabashada Koobka Adduunka soo wadeen tan iyo sannadkii hore.
Shuruudaha lagu soo xulanayo ciyaartoyda ayaa waxa ugu horreeya in ciyaartoyga ay da’diisu ka weynaato 35 jir iyo in uu xulka qarankiisa u saftay 100 ciyaarood iyo ka badan.
Steve McManaman oo noqon doona kabtanka xulka qaranka England maadaama uu ka mid yahay kooxda aas-aastay Groupka EPG, halka Esteban Cambiasso uu noqonayo kabtanka Argentina, Emerson oo Brazil hoggaamin doona, Christian Karembeu oo hoggaamin doona Faransiiska, Kevin Kuranyi oo Geramy hormood u noqonaya, Marco Materazzi oo ahaan doona kabtanka Talyaaniga, Michel Salgado oo Spain kabtan u ahaan doona iyo Diego Lugano oo Uruguay ah.
Waxa ciyaartoyda Brazil ka mid noqon doona Kaka, Rivaldo iyo Ronaldinho, halka Talyaanigu ay soo kaxaysan doonaan Fabio Cannavaro iyadoo Ingiriiskuna ay u yeedhanayaan Ashley Cole, Joe Cole, Rio Ferdinand, David James, Frank Lampard iyo Robbie Fowler.
Xiddigaha kale ee la filayo inay ciyaari doonaan tartankan ayaa waxa mid ah difaacyadii Brazil ee Cafu iyo Roberto Carlos, xiddigihii Faransiiska ee Thierry Henry iyo Marcel Desailly, laacibiintii reer Argentina ee Hernan Crespo iyo Pablo Zabaleta, halka Germany ay ku jiri doonaan Mesut Ozil iyo Sami Khedira.
Spain waxay u yeedhan David Villa iyo Carles Puyol, halka Francesco Totti iyo Diego Forlan ay u dheeli doonaan Talyaaniga iyo Uruguay.
Koox walba waxay ka koobnaan doontaa 11 ciyaartoy, waxaanay ciyaartu socon doontaa 70 daqiiqadood maadaama aanay odayaashu dheeli karaynin 90ka daqiiqadood ee ay ciyaaruhu caadiyan yihiin.
Inta ay ciyaartu socoto, waxa xul kasta loo ogol yahay in uu sameeyo 18 beddel, iyadoo tartankuna bilaabmi doona June 4, lana soo xidhi doono June 11.