Goolhayaha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Ederson ayaa saadaaliyey horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, kaddib markii ay kooxdiisu dib u heshay xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne oo uu ku tilmaamay inuu yahay boqorkooda.
Manchester United oo hadda kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League isla markaana shan dhibcood ka dambaysa Liverpool oo hoggaanka haysa, waxa gacanta ugu jira laba ciyaarood oo haddii ay guuleysato ay si buuxda hoggaanka ugula wareegayso.
Manchester City ayaa hore u qabatay hoggaanka horyaalka, laakiin dhaawac soo gaadhay Erling Haaland iyo bandhiggooda oo liitay ayaa sababay inay dhibco lumiyaan halka De Bruyne uu afar bilood iyo dheeraad uga maqnaa dhaawac sababay in lagu sameeyo qalliin oo kasoo gaadhay ciyaartii koowaad ee lagu furay horyaalka ee ay Burnley la dheeleen.
De Bruyne ayaa hadda usoo laabtay, sidoo kalena Erling Haaland oo toban ciyaarood maqnaa ayaa taam ah, waxaana uu kubbad0sameeyaha reer Belgium ee De Bruyne uu dhaliyey gool iyo saddex caawimood oo uu ku daray saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey.
Goolhayaha Brazil ee Ederson oo la weydiiyey inuu qiimeeyo fursadda kooxdiisa ee horyaalka Premier League, ayaa waxa uu sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan inay ku guuleysan doonaan mar haddii uu usoo noqday boqorkooda De Bruyne.
“Waa sida Chess-ta oo kale, waa in aad ilaaliso Boqorka! Hadda waxa noosoo laabtay ‘Boqorkayaga’ oo ka mid ah ciyaartoyda taariikhda Premier League ugu wanaagsan caawinta, kaalinta saddexaadna hadda kaga jira liiska.” Ayuu yidhi Ederson.
Waxa uu intaa ku daray: “Aad baanu ugu faraxsanahay in uu soo laabtay iyo kubadda fiican ee uu ciyaarayo isaga oo muddo dheer maqnaa, kooxdayadu way tabtay sababtoo ah awooddiisa, sida uu baasaska u dhiibo oo ay ciyaartooyo tiro yar samayn karayaan, waxa uu sameeyaa caawin, dhalin iyo kubbad fiican oo uu dheelo, waxa uu hayaa kubadda, markaa waxa aanu rajaynaynaa in aanu haysano illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka.
“Dhinaca ku guuleysiga horyaalka, wali waxyaabo badan ayaa dhici karaya, annaguna bilowgii waanu fiicnayn balse qaabkayaga ayaa mar dambe lumay, haddana kubbad qurux badan ayaanu ciyaaraynaa.
“Waxa aanu nahay koox hankeedu weyn yahay oo leh awooddii maskaxeed ee ay wax walba ugu guuleysan lahayd. Waxay ila tahay in ay taasi tahay waxa ugu muhiimsan, haddana waanu dagaallamaynaa illaa dhamaadka, waxaanay ila tahay in aanu awoodi doono in aanu ku guueysano horyaalka.”