Gabriel Jesus ayaa dhaawaca kaga maqnaaday Arsenal kulanka Liverpool ee Emirates Stadium, waxaana uu Mikel Arteta aaminay weeraryahanka reer Germany ee Kai Havertz oo uu ka ciyaarsiiyey weerarka dhexe, halka Eddie Nketiah uu kaydka ku sheekaynayo.
Liverpool waxa taam buuxa noqon waayey Darwin Nunez oo kursiga kaydka ku jira, waxaana weerarka dhexe kusoo bilowday Cody Gakpo oo ay garbaha ka xigaan Luis Diaz iyo Diogo Jota.
Jurgen Klopp ayaa isbeddello ku sameeyey safkii uu ku garaacay Chelsea, waxaana uu fadhiisiyey Jota oo uu ka doorbiday Ryan Gravenberch oo khadka dhexe kala ciyaaraya Alexis Mac Allister iyo Curtis Jones, waxaana ciyaartan ka maqan Dominik Szobozlai oo hore aanu tababaruhu u sheegin inuu maqnaanayo, waxaana aanu dib idiinka soo gudbin doonaa sababta uu u seegay kulankan muhiimka ah.
Difaaca Liverpool ayaa waxa kusoo laabtay Alexander-Arnold oo beddelay laacibka uu aabbihii geeriyooday ee Conor Bradley oo aan garoonkaba joogin, sidoo kalena waxa kusoo bilowday Van Dijk, Ibrahima Konate iyo Gomez, halka Andy Robertson uu kaydka ku jiro.
Liverpool waxa usoo laabtay Thiago Alcantara oo kursiga kaydka kusoo bilowday, isla markaana rajaynaya inuu qaybta dambe beddel ku yimaaddo.
Arsenal ayay taageereyaashu saluug ka muujinayaan in Havertz uu weerarka dhexe kusoo bilowdo iyadoo uu joogo Eddie Nketiah, waxaase garbihiisa taagan Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli oo caawin doona, halka khadka dhexe ay ka taageereyaan Martin Odegaard, Jorginho iyo Declan Rice.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Konate, Gomez, Mac Allister, Jones, Gravenberch, Diaz, Gakpo, Jota.
Kaydka: Adrian, Kelleher, Thiago, Nunez, Elliott, Robertson, Clark, McConnell, Quansah.
Arsenal XI: Raya, White, Saliba, Gabriel, Zinchenko, Rice, Jorginho, Odegaard, Saka, Martinelli, Havertz.
Kaydka: Ramsdale, Cedric, Walters, Kiwior, Elneny, Smith Rowe, Nelson, Trossard, Nketiah.