Ka dib barbarahoodii xamaasada lahaa ee ka hor dhamaadkii sannadka markaasoo ay Liverpool nasiibdarro ku aheyd inaysan badinin xilli uu Trent Alexander-Arnold garaacay birrta labada kooxood ayaa isbuucyo ka dib isku arkay FA Cup.
Arsenal ayaa markaan aheyd kooxda kubada fiican laakiin waxaa lagu garaacay labo gool oo xilli danbe laga dhaliyay.
Qaab ciyaareedka aan joogtada aheyn ee Arsenal ayaa keenay inay ka durugto tartanka horyaalka halka Liverpool ay hogaanka u heyso horyaalka iyagoo doonaya inay ka gacan maroojiyeen Manchester City oo ah kooxda koobka difaacaneysa.
Barbaro dani uguma jirto labada kooxoodba, waxaana maanta Waqooyiga London la filayaa inuu ka dhaco kulan lama ilaawaan ah.
Ka hor kulanka maanta waxaan eegeynaa seddex iska horimaad oo fure u noqon kara guusha iyo guuldarada labada kooxood.
Declan Rice v Dominik Szoboszlai
Dagaalka khadka dhexe ayaa ah meesha ugu weyn ee ciyaarta lagu kala badin doono maanta. Kooxdii maamusha khadka dhexe ayaana guusha heli doonta.
Arsenal oo isbedel ku sameysay khadkeeda dhexe ayaa rajeyneysay inay tartanka horyaalka mar kale ka mid noqdaan laakiin dhibco ay dhumiyeen dhamaadkii sannadka ayaa dishay rajadooda.
Declan Rice ayaa ah burburiyahooda khadka dhexe iyo mid ka mid ah xiddigahooda ugu muhiimsan halka Kai Havertz iyo Martin Odegaard ay weerarka caawiyaan, waxayna ka horimaanayaan khadka dhexe ee Liverpool oo dhaawacyo qaba balse haddii ay jaanta isla helaan aan la celin karin.
Declan Rice ayaa u baahan inuu aamusiyo laacibka Liverpool Dominik Szobozlai kaasoo awood u leh inuu kubada dhigo meel halis ah, wuxuuna caawin ka heleyaa Alexis Mac Allister oo la filayo inuu taam u noqdo kulanka maanta.
Khadkii dhexe ee kubada maamula ayayna guusha raaci doontaa.
William Saliba vs Weerarka Liverpool
Saliba ayaa noqday mid Van Dijk kula tartamaya daafaca ugu fiican horyaalka Premier League, waa daafac inta badan ku guuleysta taakalada uu sameeyo, laakiin wuxuu cashar ka soo bartay iskuulka Paolo Maldini oo dhigaya “haddii aan taakal u baahdo, waa xilli aan qalad sameeyay”, waana sababta Saliba uu inta badan kubada u soo ceshto isagoo aan u baahneyn uu taakalo saameyo.
Laakiin Saliba ayaa u baahan doona inuu la soo baxo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican si uu u aamusiyo weerarka Liverpool. Diogo Jota ama Darwin Nunez haddii uu taam u nqdo kulankaan ayuu wajihi doonaa Saliba. Weerarka Liverpool ayaana mid aan la celin karin marka ay jaanta isla helaan, shaqada Saliba ayayna noqon doontaa inuu weerarkaas u babac dhigo.
Bukayo Saka v Andrew Robertson
Inkastoo taageerayaasha ka soo horjeeda Arsenal ay jecel yihiin inay liidaan Bukayo Saka, hadana waxaan la beenin karin inuu ka mid ah xiddigaha garbaha ee ugu saameynta badan horyaalka. Kaliya lix ciyaaryahan ayaa heysta in ka badan 13ka goolal iyo caawin ee uu Saka ka sameeyay horyaalka xilli ciyaareedkan.
Jurgen Klopp waxaa ka maqnaa Andy Robertson muddo ku dhow seddex bilood halka Kostas Tsimikas uu isna maqnaa tan iyo dhamaadkii sannadka taasoo keentay in Joe Gomez laga ciyaarsiiyo booska daafaca bidix.
Robertson ayaa soo laabtay kulankii Chelsea isagoo ciyaaray 21 daqiiqo, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo kulanka Emirates taasoo tijaabo adag u noqon doonta madaama uu ka horimaanayo Saka.