Ciyaartoyda Liverpool, tababare Klopp iyo taageereyaasha kooxda ayaa dhamaantood murugaysan kaddib markii la xaqiijiyey geeri naxdin leh oo gilgishay kooxdaas saacado ka hor ciyaarta adag ee Arsenal ay safarka ugu tegayaan maalinta Axadda.
Conor Bradley oo ahaa xiddigii Liverpool guusha ku hoggaamiyey kulankii Chelsea, sidoo kalena bandhigga heerka sare ah ka samaynayay garoomada muddadii uu dhaawaca ku maqnaa Alexander-Arnold ayaa la shaaciyey in geeri naxdinleh ay ku timid aabbihii, waxaana murugaysan kooxda oo dhan.
20 jirkan ayaan la hubin inuu qayb ka noqon doono ciyaarta Arsenal, waxaanay u badan tahay inuu maqnaan doono kaddib markii uu u duulay County Tyrone oo ah Northern Ireland oo uu aabbihii ku xanuunsayay muddooyinkii dambe.
Joe oo ay da’diisu ahayd 58 jir, ayaa la sheegay inuu xanuunayey, waxaana ehelka iyo ciyaartoygaba tacsi u dirtay Liverpool oo sheegtay inay garab taagan tahay Conor Bradley waqtigan adag.
Warkan murugada leh ayaa yimid saddex maalmood kaddib markii uu Conor Bradley hal gool dhaliyey, laba kalena caawiyey ciyaartii ay kooxdiisu 4-1 ku xasuuqeen Chelsea, taas oo uu sidoo kale ka noqday xiddigii garoonka.