Ka hor ciyaarta adag ee Axadda ee Arsenal ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, Liverpool ayaa waxa ay warar kala duwan ka helaysaa ciyaartoyda dhaawaca ka ah, kuwaas oo laacibkii ugu dambeeyey ee ku biiray uu noqday Darwin Nunez oo ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii ay Chelsea 4-1 ku xasuuqeen Arbacadii.
Liverpool ayaa waxa hore uga maqnaa laacibkooda ugu goolasha badan ee Mohamed Salah oo kusoo dhaawacmay ciyaaraha qaramada Afrika, iyadoo sidoo kale uu ciyaaraha qaramada Asia kaga maqan yahay Wataru Endo oo xulka qaranka Japan u deelaya.
Darwin Nunez ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay tababarka Liverpool maalintii Jimcaha, waxaana sidoo kale lagu arkay maanta oo Sabti ah, taas oo ka dhigan in uu kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay faraha lugta oo lagaga istaagay ciyaartii Chelsea.
Klopp ayaa hore u sheegay in aanu jabin oo kaliya ay jug soo gaadhay, isla markaana ay eegi doonaan haddii uu kasoo kaban karayo dhaawacaas.
Thiago Alcantara oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa oo usbuucyadii tegay oo dhan kooxda koowaad carbiska la qaadanayay ayaa sidoo kale aan taam buuxa u ahayn ciyaarta Arsenal, halka Mohamed Salah ay waqti hore ku tahay kulankan.
Bishan February, saddexda ciyaartoy ee Mohamed Salah, Thiago Alcantara, Kostas Tsimikas ayaa kasoo doogaya dhaawaca oo taam u noqon doona inay u ciyaaraan Liverpool, halka Wataru Endo uu isla toddobaadkan kusoo laaban doono kooxdiisa, kaddib markii xulkiisa Iran uu Japan ku garaacay wareegga wareegga siddeedda Koobka Qarama Asia.
Halkan kaga bogo xogta xiddigaha ka dhaawacan Liverpool
Darwin Nunez – Kulanka Arsenal
Mohamed Salah – Badhtamaha bishan February
Thiago Alcantara – Badhtamaha bishan February
Kostas Tsimikas – Badhtamaha bishan February
Stefan Bajcetic – Lama Garanayo
Joel Matip – Xilli-ciyaareedka oo dhan ayuu maqnaanayaa