Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa tafaasiil ka bixiyey wararka sheegaya in weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland uu nacay horyaalka Premier League oo uu doonayo inuu iskaga tago dhamaadka xilli-ciyaareedkan, taas oo tababare Pep Guardiola oo ka hadlay shalay uu shaaciyey in aanu waxba ka ogeyn.
Guardiola ayaa hoos u dhigay arrintan, waxaana uu ku kaftamay in warbaahinta Spain ee xogtan tabisay ay hayaan macluumaad ka badan inta uu isagu ogyahay, sidaas daraadeedna ay tahay in iyaga la weydiiyey.
Haaland ayaa lala xidhiidhinayay kooxda reer Spain ee Real Madrid oo doonaysa inay la saxeexato xagaaga soo socda haddii ay waayaan Kylian Mbappe, laakiin khabiirka suuqa iibka ciyaartoyda ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in 23 jirkani uu ku faraxsan yahay nolosha Manchester oo aau ka fikirayn inuu si degdeg ah uga tago.
Fabrizio Romano oo arrintan ka hadlayay ayaa yidhi: “Anigu ma ogi warka ah in Haaland aanu ku faraxsanayn Manchester, ama uu murugaysan yahay. Xaaladdu waa sidii hore uun, ciyaartoyguna waxa uu ku raaxaysanayaa la shaqaynta kooxda ku guuleysatay Premier League iyo tababare Pep Guardiola. Ma jirto wax xaaladdiisa iska beddeshay.”
Warbaahinta waddanka Spain gaar ahaan wargeyska Marca ayaa qorshay in Erling Haaland aanu ku faraxsanayn nolosha magaalada Manchester oo uu doonayo inuu iskaga guuro oo uu u wareego Real Madrid.