Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa shaaciyey in uu sax ahaa ganaax ay ku rideen kooxda Manchester City oo ay muddo laba sannadood ah ka mamnuuceen inay kasoo qayb-gasho tartanka Champions League, kaddib markii ay ku caddaatay inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha.
Manchester City ayaa lagu riday alba sannadood oo ganaax ah iyo lacag dhan £25 milyan oo Gini bishii February 2020, laakiin maxkamadda garsoorka ciyaaraha ee Court of Arbitration for Sports ayaa toddoba bilood kaddib burisay ganaaxa UEFA.
UEFA iyo Premier League ayaa mar kale baadhitaanno ku haya Manchester City, waxaana lagu haystaa in 115 jeer ay kooxdani jabisay sharciga dhaqaalaha ee FFP ee horyaalka Premier League, waxaana dhowaan uu horyaalka Ingiriisku shaaciyey in la muddeeyey waqtiga go’aanka laga gaadhayo.
Shan sannadood oo uu baadhitaan ku waday Premier League, ayaa lasoo gabogabeeyey, waxaana hadda la sugayaa ganaaxa ay Manchester City la kulmi doono iyadoo ay halis ugu jirto in dhibco badan laga jaro, loo diro heerka labaad sidoo kalena laga xayuubiyo koobabkii ay ku guuleysatay.
Aleksander Ceferin oo ah madaxweynaha UEFA ayaa iska diiday inuu ka hadlo baadhitaanka uu Premier League ku sameeyey Manchester City, laakiin waxa uu xaqiijiyey in ay UEFA horeba ugu heshay City inay jabisay sharciga dhaqaalaha oo ay ganaax ku ridday afar sannadood ka hor, laakiin ay garab ka heleen maxkamadda.
“Waanu ogeyn in aanu saxannahay.” Ayuu yidhi Aleksander Ceferin oo u warramay wargeyska The Telegraph, waxaanu intaa ku daray: “Go’aanka ganaaxa ma aannaan gaadhneen haddii aanaan ogeyn in aanu saxannahay. Waan rumaysanahay in uu sax ahaa go’aankaa ay soo saareen guddi madax-bannaan oo ay UEFA u saartay.”
Manchester City ayaa ku adkaysanaysay in aanay wax dembi ama qalad ah samaynin, waxaana ay kiiskooda u gudbiyeen maxkamadda ciyaaraha ee CAS oo burisay go’aanka UEFA, laakiin madaxa horyaalka Premier League ee Richard Masters ayaa toddobaadkii hore sheegay inay soo dhamaystireen baadhitaanno ay ku hayeen Manchester City oo go’aanka ganaaxyadeedana ay waqti u qabteen, inkasta oo uu diiday inuu shaaciyo waqtigaas.
Premier League ayaa hore dhibco uga jaray Everton oo lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaalaha, waxaana halis ku jirta Nottingham Forest, halka Manchester City loo haysto dembiyo culus oo soo bilowday sannadkii 2009.