Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa weerar ku qaaday abaal-marinnada uu muddada dheer u dagaallami jiray sidii uu ugu guuleysan lahaa ee Ballon d’Or iyo FIFA Best, waxaana uu sheegay in aanay wax qiimo ah lahayn waqtigan kaddib markii uu Lionel Messi ku wada guuleystay labada sannadkan.
Ronaldo ayaa iska diiday inuu ka qayb-galo xafladaha abaal-marinnada Ballon d’Or oo uu shan jeer ku guuleystay iyo FIFA Best oo uu hal mar ku guuleystay, waxaana uu doorbiday inuu ku sugnaado kooxdiisa Al-Nassr, iyadoo sidoo kalena aan lagu soo darin liiska gaaban ee tartameyaasha.
Lionel Messi oo ay si weyn u xafiiltamaan Ronaldo ayaa labada abaal-marinnoodba qaatay, waxaana bishii November uu gacanta ku dhigay Ballon d’Or, halka toddobaadkii horena uu ku guuleystay FIFA Best, iyadoo Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ay kaalmaha labaad iyo saddexaad kala galeen.
Ronaldo oo ay da’diisu tahay 38 jir ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Record ee kasoo baxa waddankiisa Portugal waxa uu ku yidhi: “Waxay ila tahay in abaal-marinnadani ay luminayaan sumcaddii. Waxa aynu daraasaynaa xilli-ciyaareedka oo dhan. Ma lihin Messi uma qalmo, ama Haaland ama xataa Mbappe. Laakiin anigu, hadda maba rumaysni abaal-marinnadan.
“Sababtu ma aha in aan ku guuleystay Globe Soccer, laakiin waxa jira xaqiiqooyin iyo tirooyin. Tirooyinku ma khiyaameeyaan. Aniga abaal-marinnadan iigama qaadi karayaan sida xaqiiqadu tahay, laakiin waxay marka aan eego tirooyinka iyo xaqiiqooyinka, waaban kusii faraxsanahay [in aanu ku guuleysanin].”
Cristiano Ronaldo ayaa sida hadalkiisa ka muuqata waxa uu ka cadhaysan yahay in aan lagu soo darin liiska tartameyaasha Ballon d’Or iyo The Best ee sannadkii hadda tegay, maadaama 44 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Al-Nassr uu u dhaliyey 54 gool, halka Messi oo aan xisaabtiisa tartanka sannadkan lagu darin Koobkii Adduunka uu noqday ciyaartoyga ku guuleystay ee waliba ku garaacay Erling Haaland oo Chapions League, Premier League iyo FA Cup kula guuleystay Manchester City, isaga oo dhaliyey 52 gool.