Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa qarka u saaran inay la saxeexato weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo ay kasoo qaadanayso kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad ee uu xagaagii sida xorta ah ugu biiray.
Xiddigan hore ee Real Madrid oo 14 sannadood oo uu ka ciyaarayay Santiago Bernabeu oo uu dhaliyey 354 gool 648 ciyaarood oo uu u saftay, ayaa waxa uu xagaagii si xor ah ugu wareegay Al-Ittihad oo mushahar badan u ballan-qaadday, laakiin waxa hadda uu doonayaa inuu dib ugu soo laabto Yurub.
Benzema oo sannadkii 2022 ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa 24 ciyaarood oo uu u saftay Al-Ittihad waxa uu u dhaliyey 15 gool, balse waxa uu dhibbane u noqday canaanta taageereyaasha iyo warbaahinta, iyadoo ay ugu yeedhaan ‘Ina guul-darrado’.
Sida uu sheegay telefishanka ESPN ee waddanka Maraykanka, Karim Benzema ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto Yurub sida kabtankii hore ee Liverpool ee Jordan Henderson oo kale, kaas oo ka tegaya Al-Ettifaq, isla markaana u wareegaya Ajax.
Benzema oo lix gool ka dhaliyey Chelsea sannadihii 2021, 2022 iyo 2023 oo ay tartanka Champions League iskaga hor yimaaddeen kooxdiisii hore ee Real Madrid, isla markaana saddexlay kaga dhaliyey Stamford Bridge, ayaa haddii uu yimaaddo kooxda reer London waxay qolka labbiska wadaagi doonaan xiddigaha ay isku waddanka yihiin ee Axel Disasi, Wesley Fofana, Benoit Badiashile, Christopher Nkunku, Malo Gusto iyo Lesley Ugochukwu.