Ciyaartoyda xulka qaranka Senegal ayaa mar kaliya ku war helay geerida murugada leh ee gilgishay xiddigooda khadka dhexe ee Cheikhou Kouyate, taas oo sidoo kalena keentay in ciyaartoyda kooxda Nottingham Forest ay tacsi la miciinsadaan baraha bulshada.
Cheikhou Kouyate oo ka mid ahaa ciyaartoyda xulka qaranka Senegal ee ku sugan waddanka Ivory Coast ee uu ka socdo tartanka qaramada Afrika ayaa si degdeg ah ugu duulay waddankiisa, waxaana war-saxaafadeed ay geerida ku timid laacibkan ku xaqiijinayaan soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Senegal.
War-saxaafadeedka uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Senegal ayaa lagu sheegay, in Mr. Augustin Senghor oo ah madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Senegal ayaa sheegay, xubnaha guddida fulinta ee xidhiidhka, tababare Aliou Cisse, ciyaartoyda iyo bahda kubadda cagta dalkaasiba ay ka murugaysan yihiin geerida ku timid aabbaha dhalay Cheikhou Kouyate oo lagu magacaabi jiray Bangiougou Kouyate.
Salaasadii 16ka January ayuu Cheikhou Kouyate aabbihii ku geeriyooday magaalada Daka, waxaana maanta lagaga tukanayaa masaajidka Khar Yalla ee caasimadda Senegal iyadoo lagu aasi doono xabaalaha Muslimiinta e Musalman ee ku yaalla Yoff.
Cheikhou Kouyate oo ahaa beddel aan la isticmaalin ciyaartii ay guusha 3-0 ah ku furteen tartanka AFCON oo ay karbaasheen Gambia, ayaa dib ugu laabtay dalkiisa si uu uga qayb-galo aaska aabbihii, lamana hubo inuu soo noqon doono iyo inuu sidaas kaga maqnaan doono xulka dalkiisa.
34 jirkan oo waqtigan uc iayara kooxda kubadda cagta Nottingham Forest ee horyaalka Premier League, ayaa waxa uu xulka Senegal u saftay 90 ciyaarood isaga oo sannadkii 2022 ka mid ahaa xiddigihii dalkaas ku qaaday koobkii ugu horreeyey ee Qaramada Afrika ah.