Kooxaha horyaalka waddanka Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaallamaya saxeexa xiddig da’yar oo u dhashay waddanka Brazil, kaas oo ay sidoo kael doonayaan kooxo badan oo reer Yurub ah.
Real Madrid ayaa go’aansatay inay soo gasho tartanka laacibkan oo hore ugu muuqday inay Barcelona ku gacan-sarrayso, laakiin dheemankan oo ka ciyaara afka hore ee weerarka ayey Los Blancos u adeegsanaysaa lacag si ay ugu garaacdo kooxda ay xafiiltamaan iyo naadiyada kale ee raadinaya.
Kaua Elias oo ah 17 jir afka hore ee weerarka uga ciyaara kooxda reer Brazil ee Fluminense, ayaa sidoo kale bandhig heersare ah ka sameeyey xulka qaranka Brazil ee da’yarta oo uu u ciyaaray.
Sida uu qoray wargeyska Telefoot ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Elias oo sagaal gool u dhaliyey xulka qaranka Brazil ee Koobkii Adduunka 17-jirrada 12 kulan oo kaliya oo uu u saftay ayaa waxa dagaalka ugu weyn uu u dhax-marayaa Real Madrid iyo Barcelona oo midkooday xaqiijisan doonto saxeexiisa, sida uu wargeysku sheegay.
Telefoot ayaa intaa ku daray, in tan iyo bishii April ee sannadkii tegay ay Barcelona daba socotay Kaua Elias, balse ay awoodi weyday inay ku qanciso Fluminense iyo wakiilladiisa inay ka iibiyaan, haddana ay xaaladdu marayso in awood dhaqaale la isku sheegto taas oo garbin karaysa Barcelona.