Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u dhaqaaqday saxeex weyn oo lama filaan ah oo ay garoonkeeda Stamford Bridge keenayso suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, waxaaa ay hadda hawlgalkooda ku jiraan Karim Benzema iyo Roberto Firmino oo ay doonayaan in midkood uu yimaaddo Stamford Bridge.
Kooxda reer London oo ku dhibaatoonaysa garoomada xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa bishan January haleelay weeraryahanno la’aan xaaladdooda uga sii daraysa iyadoo Nicolas Jackson uu tegay waddankiisa Senegal oo uu uu kala qayb-gelayo koobka Qaramada Afrika iyo Christopher Nkunku oo dib ugu laabtay dhaawac uu dhowaan kasoo kacay.
Cole Palmer oo sagaal gool oo dhamaan tartamada ah dhaliyey ayaa ah ciyaartoyga ugu goolasha badan Blues xilli-ciyaareedkan, waxaana uu rikoodhe guusha ugu go’aamiyey ciyaartii ay Sabtidii 1-0 kaga soo adkaadeen Fulham.
Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, Chelsea ayaa waxa ay la xidhiidhaysaa kooxda Al-Ittihad ee horyaalka waddanka Sucuudiga oo ay isku dayayso inay amaah kagala soo wareegto weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo 36 jir ah, kaas oo laga saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee tababarka ku qaadanaysa magaalada Dubai kaddib markii uu saddex tababar oo isku-xigay ka maqnaaday isagoo safar aan loo fasixin ku tegay Spain.
Benzema oo 14 sannadood oo uu u ciyaaray Real Madrid u saftay 648 kulan oo uu u dhaliyey 354 gool, kulana guuleystay in ka badan 25 koob oo ay ku jiraan shan Champions League, ayaa ay Blues si weyn u doonaysaa.
Lix bilood ka hor ayuu Benzema tegay Al-Ittihad oo uu u saftay 24 ciyaarood isaga oo u dhaliyey 15 gool, laakiin waxa uu canaan badan kala kulmayaa taageereyaasha kooxdiisa oo si weyn u dhaliilsan.
Waxa kale oo ay Chelsea doonaysaa weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino oo xagaagii si xor ah ugu wareegay Al-Ahli oo uu u saxeexay heshiis soconaya illaa sannadka 2026, kaddib markii uu soo afjaray waayihiisii Liverpool.
Firmino oo mushaharkiisa Al-Ahli uu toddobaadkii yahay £300,000 Gini, ayaa waxa uu kooxdiisa cusub u saftay 18 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu waqtigiisa Sucuudiga ku furtay saddexlay, balse hal gool oo kaliya ayuu raacsaday, taas oo ka dhigan in uu laba ciyaarood oo kaliya goolal dhaliyey.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa in Chelsea ay labada ciyaartoyba kala dooranayso haddii ay fursad u hesho, iyadoo mid walba ay dhibbaneyaal u ahaayeen oo ay goolal badan ka dhaliyeen.
Firmino ayaa 16 jeer oo uu ka hor tegay Chelsea isaga oo u ciyaaraya Liverpool waxa uu ka dhaliyey laba gool oo ahaa xilli-ciyaareedkii 2019-20, halka Karim Benzema oo ay tartanka Champions League iskaga hor yimaaddeen lix jeer uu lix gool ka dhaliyey.