Sabtida ayaa uu garoonka Alassane Ouattara Stadium ee caasimadda waddanka Ivory Coast ka bilaabmayaa koobka qaramada Afrika ee AFCON, waxaana uu socon doonaa illaa February 11, 2024. Waxa uu noqon doonaa tartan laga filayo in goolal badan la kala dhaliyo, mid xiise gaar ah leh oo ay ciyaartoydu si adag ugu xafiiltamaan, isla markaana lagu barto ciyaartooyo aan hadda la aqoonin.
Ivory Coast iyo Guinea=Bissau ayaa lagu furayaa tartankan oo ay difaacanayso Senegal oo mar kale ka mid ah dalalka loo saadaalinayo, iyadoo ay hormood u yihiin Sadio Mane, Koulibaly iyo xiddigo kale, laakiin Masar oo finalkii ay ku garaaceen, isla markaana ku guuleysatay koobkii kasii horreeyey ayaa iyaguna haysta Mohamed Salah iyo xiddigo kale oo si adag u dagaallami doona.
Su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo ka hor inta aanu bilaabmin tartanka qaramada Afrika, waa dalka ugu cadcad ee ku guuleysan doona, waxaana su’aashan ka jawaabtay Opta oo qiimayn ay samaysay kusoo saartay fursadda uu xul walba u haysto.
Waxa aynu si gaar ah usoo qaadanaynaa tobanka waddan ee ugu cadcad ama fursadaha ugu fiican u haysta inay ku guuleystaan koobka, waxaana hoggaaminaysa Senegal oo ay u badan tahay in sannadkii labaad oo xidhiidh ah ay ku guuleysan doonaan, balse Ivory Coast oo ah martigeliyeyaasha iyo Morocco oo wacdaro ka dhigtay Koobkii Adduunka ayaa iyaguna labaad iyo saddexaad ah.
Halkan kaga bogo tobanka dal ee ugu fursadda fiican tartanka AFCON 2024
1. Senegal – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 12.8%
2. Ivory Coast – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 12.1%
3. Morocco – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 11.1%
4. Algeria – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 9.7%
5. Egypt – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 8.5%
6. Nigeria – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 8%
7. Cameroon – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 7.4%
8. Tunisia – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 6.3%
9. Ghana – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 5.3%
10. Mali – Furadda ay ugu guuleysan karayaan koobka: 3.7%