Wareeggii saddexaad ee tartanka FA Cup oo ka koobnaa 64 kooxood ayaa caawa lasoo gabogabaynayaa, waxaana kaliya hadhay ciyaarta fiidka hore ka dhacaysa garoonka DW Stadium, halkaas oo tababare Erik ten Hag uu ugu dagaallami doono inay kooxdiisu usoo gudubto wareegga xiga.
Kaddib markii la xaqiijiyey in la dhamaystiray inta badan ciyaaraha wareegga saddexaad, waxa ay kooxaha soo gudbay isku diyaarinayaan isku-aadka oo ay dhegtay u taagayaan naadiyada ay ku dhici doonaan.
Dhawr kooxood oo barbarro ku dhamaystay ayaa kulamo labaad oo ku-celis ah loo samayn doonaa, laakiin waxa ay isku-aadka ku gelayaan wadar ahaan iyagoo isku duuban.
Xidhiidhka FA oo gacanta ku haya tartanka FA Cup, ayaa waxa uu sidoo kale shaaciyey lambarrada kubbadaha ay kooxuhu ku gelayaan isku aadka.
Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga afraad FA Cup?
Isku-aadka wareegga afraad ee FA Cup waxa la samayn doonaa caawa, waxyar ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta Manchester United iyo Wigan Athletic ee garoonka DW Stadium.
Abbaaro 10:50pm ayaa ay soo bixi doontaa isku-aadku, iyadoo falanqaynteedu sii bilaabmi doonta 10:30pm.
Goorma ayaa la ciyaari doonaa wareegga afraad ee FA Cup?
Kulamada wareegga afraad ee FA Cup ee isku-aadkiisa caawa la samaynayo, waxa la ciyaari doonaa laba maalmood oo isku xiga oo ah January 27 iyo 28.
Waa kuwan lambarrada kubbadaha ay kooxuhu ku gelayaan isku-aadka
1. Luton Town ama Bolton Wanderers
2. Wrexham
3. Liverpool
4. Brighton
5. Norwich City ama Bristol Rovers
6. West Ham ama Bristol City
7. Tottenham
8. Fulham
9. West Brom
10. Southampton
11. Ipswich Town
12. Leeds United
13. Leicester City
14. Watford
15. Newcastle
16. Sheffield Wednesday
17. Crystal Palace ama Everton
18. Aston Villa
19. Nottingham Forest ama Blackpool
20. Wigan ama Manchester United
21. Manchester City
22. Blackburn Rovers
23. Sheffield United
24. Swansea City
25. Chelsea
26. AFC Bournemouth
27. Coventry City
28. Brentford ama Wolves
29. Plymouth Argyle
30. Maidstone United
31. Newport County ama Eastleigh
32. Hull City ama Birmingham City