Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waxa ka dhaawacmay xiddig muhiim ah saacado kooban ka hor ciyaata ay fiidka hore ee caawa garoonkooda Emirates Stadium ku martigelinayaan Liverpool oo ay wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup ku kala calaf qaadi doonaan.
Arsenal ayaa waxa ay waayi doontaa weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo jilibka ka dhaawacmay, sida uu ogaaday wargeyska Daily Mail oo aanu warkan kasoo xiganay.
Mikel Arteta iyo dhakhaatiirta Arsenal ayaan wali wax war ah kasoo saarin xaaladda dhaawaca ee Gabriel Jesus, lamana oga inta uu maqnaan doono, hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in dhaawacu aanu ahayn mid culus.
Gunners ayaa ciyaarta Liverpool si adag iskugu diyaarinaysa si ay ugu soo laabtaan jidka guusha kaddib guul-darrooyinkii xidhiidhka ahaa ee West Ham iyo Fulham ee horyaalka Premier League, taas oo ay uga sii horreysay Liverpool oo ay barbarro kusoo galeen garoonka Anfield.
Thomas Partey, Jurrien Timber iyo Fabio Vieira ayaa hore dhaawacyo ugaga maqnaa Arsenal, sidoo kalena Mohamed Elneny iyo Takehiro Tomiyasu ayaa tegay xulalkooda Masar iyo Japan oo ay kala qayb-gelayaan tartamada CAF iyo Asia Cup.
Difaaca bidix ee Oleksandr Zinchenko ayaa sidoo kale uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa ciyaarta Liverpool, waxaana uu ka cabanayaa dhaawac muruqa ah.
Shirkii jaraa’id ee Jimcihii ayaanu tababare Mikel Arteta kusoo qaadin wax dhaawac ah oo uu qabo Gabriel Jesus, waxaanay u badan tahay inay waxyeelladu soo gaadhay kaddib intii uu tababaraha reer Spain la hadlay saxaafadda.
Jilibka uu hadda ka dhaawacmay Gabriel Jesus ayaa ah midkii uu hore muddooyinka badan uga cabanayay ee uu ka dhaawacmay Koobkii Adduunka, isaga oo waqtigaas muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaa.
Jesus ayaa sidoo kale seegay bilowgii xilli-ciyaareedka oo uu isla jilibkan ka dhaawacmay, waxaana haddii uu ka maqnaado ciyaarta Liverpool kusoo bilaaban doona weerarka Arsenal laacibka reer England ee Eddie Nketiah.