Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa rumaysan in saaxiibkiisii hore ee PSG ee Lionel Messi aan la xiinin ixitraamkii uu mudnaa intii uu joogay waddanka Faransiiska, isla markaana ay ahayd in si fiican loola dhaqmo.
Lionel Messi oo laba sannadood u ciyaaray PSG, isla markaana la kulmay canaan badan inkasta oo muddadaas uu awooday inuu labadii jeerba ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or sidoo kalena uu xulka qarankiisa Argentina u qaaday Koobkii Adduunka 2022, waxa haddana ka tegay PSG isaga oo aan u calool fayoobayn.
Waqtigiisii PSG ayaa lagu tilmaamaa mid aan guul ahayn, sababtoo ah waxa uu awoodi waayey in uu ka caawiyo inay ku guuleystaan Champions League oo ahaa waxa ugu weyn ee ay raadinayeen maadaama ay tartamada maxalliga ah horeba ugu guuleysan jireen.
Mbappe oo wax laga weydiiyey Lionel Messi ayaa yidhi: “Messi waxa uu u qalmayay ixtiraam iyo in Faransiisku ay garab istaagaan kaddib Koobkii Adduunka. Ma aanu helin ixtiraamkii uu mudnaa.”
Faransiiska iyo Argentina oo finalkii iskugu soo baxay oo rikoodheyaal ay Argentina ku qaadday Koobka Adduunka ayaa waxa ay abuurtay in taageereyaasha Faransiisku ay colaadiyaan Lionel Messi iyadoo waliba uu gabogabo ahaa waqtigiisa PSG.