Premier League ayaa soo saaray magacyada afar tababare oo ku tartami doona abaal-marinta macallinkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii ugu dambaysay sannadkii tegay ee 2023, waxaana aan kusoo bixin liiska tababarihii bishii hore ku guuleystay ee Ange Postecoglou.
Inkasta oo ay Tottenham guulo dhawr ah soo hoysay bishii December, isla markaana sare usoo kacday, haddana Premier League ayaa waxa uu Ange Postecoglou ka reebay liiska tababareyaasha ku loollamaysa abaal-marinta bisha December, iyadoo uu Ange Postecoglou saddex jeer oo hore soo qaatay abaal-marintan oo ay ugu dambaysay bishii November.
Unai Emery oo ay kooxdiisa Aston Villa wacdaro ka dhigayso horyaalka Premier League oo ay kaalinta labaad kaga jirto, isla markaana saddex dhibcood ka dambayso Liverpool ayaa ka mid noqday tartameyaasha macallinka bisha December, iyadoo toddoba kulan oo ay kooxdiisu ay ciyaartay ay guuleysteen afar, laba barbarreeyeen, mar kaliyana laga badiyey.
Waxa kale oo liiska kusoo baxay Andoni Iraola oo ah tababaraha Bournemouth oo lix ciyaarood oo ay kooxdiisu dheeshay afar badisay, mar barbarro ah iyo hal guul-darrona u raacday, laakiin waxa isaguna loollanka ku jira oo ku cidhiidhin karaya Jurgen Klopp oo ay kooxdiisa Liverpool afar jeer guuleysatay labana barbarraysay lix ciyaarood oo ay dheeshay bishii December.
Tababaraha afraad waa David Moyes oo kooxdiisa West Ham ay ka takhalustay Arsenal oo ay waliba marti u ahayd, isla markaana lix ciyaarood oo ay dheeleen horyaalka Premier League bishii December ay afar guuleysteen, mid barbarro ah iyo mar khasaare ahna raacsadeen.