Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu lix bilood ka hor ka tegay, isla markaana u wareegay kooxda Al-Ahli ee horyaalka waddanka Sucuudiga.
Roberto Firmino oo ay da’diisu tahay 32 jir ayaa xagaagii soo afjaray siddeed sannadood oo uu u ciyaarayay Liverpool, waxaana uu si xor ah ugu biiray Al-Ahli markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Anfield.
Horyaalka Sucuudiga ayaa uu ku bilowday saddexlay goolal ah oo uu dhaliyey ciyaartiisii koowaad, laakiin intii ka dambaysay ayaa ay dafireen goolashu, waxaana 18kii ciyaarood ee ugu dambeeyey uu dhaliyey gool kaliya.
Sida ay sheegayaani qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriisku, Roberto Firmino ayaa dib ugu soo laaban karaya horyaalka Premier League, waxaana uu dalab ka haystaa kooxda reer London ee Fulham oo doonaysa inay dib ugu soo celiyo horyaalka waddanka Ingiriiska.
Tababare Marco Silva ayaa u arka Roberto Firmino in uu kooxdiisa u buuxin doono booskii uu banneeyey Aleksandr Mitrovic oo isaguna xagaagii tegay Sucuudiga.
Si kastaba ha ahaatee, Firmino ayay xasuus badan ka taagaa Anfield oo 392 ciyaarood uu u saftay Liverpool isagoo u dhaliyey 111 gool iyo 79 kale oo uu caawiyey, waxaanu kula guuleystay Premier League, Champion League, FA Cup, Carabao Cup iyo Club World Cup.