Xiddigii hore ee Tottenham, Tim Sherwood, ayaa weeraryahanka Arsenal ee Viktor Gyokeres kula taliyay inuu isaga tago kooxdaas. Sherwood wuxuu ku dooday in xiddigan reer Sweden aan looga baahnayn garoonka Emirates, inkastoo uu xilli-ciyaareedkiisii koowaad soo bandhigay qaab-ciyaareed fiican.
Hadalka Sherwood ayaa yimid ka dib markii Gyokeres uu gool ka dhaliyay kulankii Champions League ee ay Arsenal Talaadadii barbarraha 1-1 ah la gashay Borussia Dortmund.
Isagoo la hadlayay The Overlap Daily, Sherwood wuxuu yiri: “Arsenal ma rabto Gyokeres. Sannadkii hore wuxuu Premier League ka dhaliyay 14 gool. Waan u naxayaa, laakiin waxaan u malaynayaa inuu u baahan yahay inuu baxo. Wuxuu u baahan yahay waqti ciyaareed ka badan inta uu hadda helo.”
Gyokeres oo Arsenal kaga soo biiray Sporting ayaa haatan hoos uga dhacay kala horreynta weeraryahannada kooxda tababare Mikel Arteta.