Fabrizio Romano Oo Shaaciyay Saxiixa Cusub Ee Liverpool Iyo Saddexda Laacib Ee Lala Xiriirinayo Beddelka Florian Wirtz

Kooxda Liverpool ayaa heshiis la gaartay garabka 16-jirka ah ee u dhashay dalka Senegal, Sidy Barhama Ndiaye, kaas oo kooxda ku soo biiri doona sannadka 2028, sida uu shaaciyay suxufiga weyn, Fabrizio Romano.

Ndiaye oo haatan u ciyaara kooxda Diambars ee dalka Senegal ayaa aad ugu wanaagsan garabka midig, balse sidoo kale ka ciyaari kara bidixda. Liverpool ayaa markii hore la dhacday qaab-ciyaareedkiisa Koobkii Qaramada Afrika ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, wuxuuna tijaabo u maray kooxda sannadkii 2025 markii uu 15 jir ahaa.

Romano ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay heshiis afka ah la gaartay kooxda Diambars iyo wakiillada ciyaaryahanka, dhammaan waraaqahana la diyaariyay. Heshiisku wuxuu rasmi noqon doonaa 2028, marka uu gaaro da’da 18 sano si loogu oggolaado inuu u soo guuro Ingiriiska.

Dhanka kale, Liverpool waxay suuqa ka baadi-goobaysaa kubbad-sameeye u noqda beddelka Florian Wirtz, iyadoo lala xiriirinayo Wael Mohya (Gladbach), Abdellah Ouazane (Ajax), iyo da’yarka reer Mexico ee Gilberto Mora.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular