Xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain, João Neves, ayaa kooxda AS Roma ku tilmaamay mid ka mid ah kooxaha ugu fiican ee ay xilli-ciyaareedkan ku wajaheen tartanka Champions League.
Neves ayaa hadalkan sheegay ka dib markii PSG ay habeenkii Arbacada magaalada Paris barbarro 2-2 ah kula gashay Roma. Goolal ay dhaliyeen Illia Zabarnyi, Ousmane Dembélé, Mario Hermoso, iyo Donyell Malen ayaa sababay in labada kooxood ay dhibcaha qaybsadaan.
“Maalin walba lama ciyaartid kooxo tayadan leh, ammaan ayay mudan yihiin AS Roma,” ayuu yiri Neves, sida uu soo xigtay suxufiga Fabrizio Romano kulanka ka dib. “Waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican ee aan wajahnay,” ayuu ku daray.
PSG ayaa ah kooxda haatan difaacanaysa koobka Champions League, iyadoo ku guulaysatay labadii xilli-ciyaareed ee u dambaysay.