Laba kooxood ayaa iskugu soo hadhay dagaalka loogu jiro weeraryahanka reer Guinea ee Serhaou Guirassy oo afka hore uga ciyaara Stuttgart, kaas oo bishan January ee aynu ku jirno la filayo inuu ka dego horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.
Dhawr kooxood ayaa lala xidhiidhinayay laacibkan oo qandaraaskiisa Stuttgart lagu burburin karayo 1£15.1 milyan oo Gini oo kaliya, laakiin waxa hadda si cad ugu loollamaya laba kooxood iyadoo Tottenham ay u muuqato in laa garbiyey.
Manchester United oo ay haysato dhaliye xumo ayaa waxa ay si dhab ah usoo gashay tartanka loogu jiro Serhou Guirassy oo ay da’diisu tahay 27 jir, haddana isku diyaarinaya inuu u duulo waddankiisa oo uu xulka qaranka qarankiisa kala qab-gelayo tartanka qaramada Afrika.
Red Devils oo xagaagii soo iibsatay Rasmus Hojlund oo ay kasoo bixisay lacag ka badan 72 milyan oo Gini ayaa dhaliyey hal gool oo horyaalka ah oo kaliya, waxaanay doonayaan in hadda ay safkooda kusoo kordhiyaan Serhou Guirassy oo 16 ciyaarood oo uu u saftay Stuttgart u dhaliyey 19 gool oo dhamaan tartamada ah.
Laakiin Newcastle United oo uu hoos u dhac ku yimid xilli-ciyaareedkan ayaa iyaduna doonaysa inay la saxeexato Guirassy oo ay u arkaan ciyaartoy bilaash ah laakiin ay ka helayaan wax aan laga helaynin ciyaartooyo lacago badan lagu kharash gareeyey.
Guirassy ayaa waxa uu kasoo baxay kulliyadda da’yarta kooxda Laval ee waddanka France, waxaanu u dhaafay Lille isaga usii dhaafay Auxerre, Cologne iyo Amiens oo uu amaah ku tegay.
Waxa kale oo uu muddo saddex sannadood ah u ciyaaray kooxda Rennes ee horyaalka Ligue 1 oo 65 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 19 gool, halka Stuttgart ay noqotay kooxda uu isku muujiyey ee uu 19ka gool u dhaliyey 16ka ciyaarood gudahood.