Gary Neville Oo Pochettino Uga Digay Hal Khalad Oo Sababay In Carrick Laga Ceyriyo Manchester United

Daaficii hore ee kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa ku dooday in Mauricio Pochettino looga baahan yahay inuu dalbado awood buuxda oo dhanka suuqa kala iibsiga ka hor inta uusan si rasmi ah u beddelin Michael Carrick.

Isagoo la hadlayay shabakadda Sky Sports, Neville ayaa sheegay in macallinkan reer Argentina uu u baahan yahay inuu qandaraaskiisa ku difaaco naftiisa, maadaama uu la shaqeyn doono maamul ku fashilmay saxiixyadii xagaagii hore.

“Waan hubaa inuu u sheegay inuu u baahan yahay miisaaniyad lacageed oo aad u badan. Waxaan u maleynayaa inuu si degdeg ah ugu baahan yahay daafacyo si uu Manchester United u gaarsiiyo meel u dhow halka ay rabaan xilli-ciyaareedkan,” ayuu yiri Neville.

Wuxuu intaas ku daray in saxiixyadii la sameeyay xagaagii ay ahaayeen kuwo aad uga hooseeya heerkii laga filayay kooxda, sidaas darteedna ay qasab tahay in Pochettino uu isagu la wareego go’aanka ciyaartoyda la keenayo.

Ugu dambeyn, Neville ayaa kula taliyay Pochettino inuu masiirka kooxda gacantiisa ku qabsado, isla markaana uu hubiyo in la siiyo lacag uu bisha Janaayo ku soo iibsado daafacyo adag, ka hor inta uusan xagaaga soo socda xoojin khadka dhexe iyo weerarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular