Tababaraha Cusub Ee United Oo La Ogaaday, Balse Goorma Ayuu Shaqada Bilaabayaa?

Kooxda Manchester United ayaa heshiis hordhac ah oo buuxa la gaartay Mauricio Pochettino si loogu magacaabo tababaraha cusub ee kooxda, sida ay baahiyeen suxufiyiinta Danyal Khan iyo Dharmesh Sheth oo ka tirsan shabakadda Sky Sports.

Macallinkan reer Argentina ayaa beddeli doona Michael Carrick, kaas oo si rasmi ah shaqada looga cayriyay subaxnimadii Khamiista.

Maamulka kooxda ayaa weli wadahadallo kula jira xiriirka kubadda cagta Mareykanka (US Soccer), oo uu haatan Pochettino u shaqeeyo, si loo dhammaystiro habraaca bixitaankiisa.

Sida uu qorshuhu yahay waqtigan, tababarahan 54 jirka ah ayaa la filayaa inuu xulka Mareykanka hoggaamiyo labada kulan ee ay martida iyo martigeliyaha u noqonayaan xulka Haiti, ka hor inta uusan u duulin magaalada Manchester si uu bartamaha toddobaadka soo socda ula wareego tababarka kooxda Red Devils.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular