Alan Shearer Oo Magacaabay Kooxda Keliya Ee Arsenal Ka Hor Istaagi Karta Ku Guuleysiga Premier League Ciyaareed Kaan

Halyeeygii hore ee kooxda Newcastle United, Alan Shearer, ayaa iska indhatiray Manchester City, isagoo saadaaliyay in kooxda Brighton ay noqon doonto cadowga ugu weyn ee kula tartami doona Arsenal hanashada horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Kooxda lagu naanayso Seagulls ayaa shan dhibcood oo keliya ka dambaysa kooxda hoggaanka haysa ee Gunners ka hor inta aan la galin fasaxa xulalka qaranka ee bisha Nofeembar.

Sidoo kale, Brighton waa kooxda keliya ee xilli-ciyaareedkan garaacday wiilasha tababare Mikel Arteta, ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen kulankii ka dhacay garoonka Amex.

Brighton ayaa kala sarreynta horyaalka kaga sara martay kooxda Manchester City, kuwaas oo guuldarro 3-1 ah kala kulmay Nottingham Forest, taas oo ahayd guuldaradoodii saddexaad oo xiriir ah.

Isagoo la hadlayay shabakadda Betfair, Shearer ayaa yiri: “Brighton waxay noqon kartaa caqabadda ugu weyn ee Arsenal la kulmi karta tartanka horyaalka xilli-ciyaareedkan. Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay ku jirto xilli kala-guur ah. Chelsea-na waa la mid. Labadaas kooxoodba weli shaqo badan ayaa u taalla.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular