Kooxaha isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City ayaa labaduba si dhow ula socda xaaladda daafaca midig ee kooxda Chelsea, Malo Gusto, ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, sida ay ogaatay shabakadda talkSPORT.
Xiddigan 23 jirka ah ayaa lumiyay booskiisii koowaad ee garoonka Stamford Bridge tan iyo markii uu tababare Xabi Alonso la wareegay maamulka kooxda. Gusto ayaan ku soo bilaaban wax kulan ah oo Premier League ah tan iyo 12-kii bishii Sebteembar, iyadoo inta badan la doorbido da’yarka Josh Acheampong inkastoo uu dhaawac ku maqan yahay kabtan Reece James.
Kooxda Chelsea ayaa la soo warramayaa inay laacibkan u dhashay dalka Faransiiska ku qiimeyso adduun dhan 75 milyan oo gini, inkastoo labada kooxood ee reer Manchester aysan weli go’aansan inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan.
Manchester City ayaa horay xagaagii uga fiirsatay saxiixa Gusto, halka xiisaha Manchester United uu imaanayo xilli ay kooxdu ku jirto hubanti la’aan dhanka maamulka tababarenimo ah.
Gusto oo sanadkii 2023 kaga soo biiray Blues kooxda Lyon qiimo ku dhow 26 milyan oo gini ayaa u saftay kooxda Blues 144 kulan, isagoo u dhaliyay saddex gool.