Ferdinand Oo Eedeyn Culus U Jeediyay Maamulka United, Maxaa Ka Cadheysiiyay?

Halyeeygii hore ee kooxda Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa si kulul u weeraray maamulka kooxdiisii hore ka dib war-saxaafadeedkii ay ku xaqiijiyeen in shaqada laga cayriyay tababare Michael Carrick subaxnimadii Khamiista.

Carrick ayaa laga eryay shaqada ka dib markii kooxdu ay urursatay siddeed dhibcood oo keliya 10-kii kulan ee ugu horreeyay horyaalka Premier League, taas oo keentay inay galaan kaalmaha looga haro horyaalka.

Inkastoo bayaanka rasmiga ah ee kooxdu uu ahaa mid lagu ammaanay waxqabadkii Carrick, laguna xusay inuu weligiis ahaan doono halyeey ka tirsan United ka dib markii uu xilli-ciyaareedkii hore ku soo dhammeystay kaalinta saddexaad, haddana Ferdinand ayaa si weyn u dhaliilay qaabka loo qoray.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa tooska ah ee Rio Reacts, 48 jirkan ayaa ku tilmaamay bayaanka mid bilaa dareen ah oo u eg in lagu qoray aaladda garaadka macmalka ah ee ChatGPT.

Ferdinand ayaa yiri: “Waa qoraal caadi ah oo bilaa dareen ah. Taageerayaashu xitaa dan kama laha waxan oo kale. Xaaladahan oo kale waxaa loo baahan yahay inuu qof mas’uul ah soo fariisto oo uu si toos ah u hadlo si dareen dhab ah loogu yeelo.”

Dhanka kale, Mauricio Pochettino ayaa la filayaa inuu la wareego shaqada United ka dib marka uu xulka Mareykanka hoggaamiyo labada kulan ee Haiti, isagoo kulankiisa ugu horreeya ee Red Devils wajihi doona Liverpool 22-ka bisha Nofeembar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular