Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool, Hadal Uu Yiri Oo Rajo Geliyay Taageerayaasha

Kabtan-ka kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa bixiyay calaamad muujinaysa inuu soo dhawayn lahaa heshiis cusub oo uu ku sii joogayo kooxda, balse wuxuu caddeeyay inuusan ka welwelsaneen mustaqbalkiisa garoonka Anfield.

Daafacan reer Netherlands ayaa bishii Abriil ee sanadkii 2025 saxiixay qandaraas laba sano ah, laakiin heshiiskaas ayaa haatan galaya bilihiisii ugu dambeeyay. Inkastoo uu jirsan doono 36 sano ka hor bilowga xilli-ciyaareedka soo socda, haddana Van Dijk ma uusan muujin wax hoos u dhac ah oo ku yimid qaab-ciyaareedkiisa.

Isagoo ka hadlayay mustaqbalkiisa ayuu yiri: “Waxaan rabaa inaan sii wado ciyaarista iyo waxa aan haatan qabanayo. Aan aragno waxa uu xilli-ciyaareedku la yimaado. Waqti cajiib ah ayaan horeyba u soo qaatay ilaa hadda, haddii waqtigaas la dheereyn doonana waa arrin iska cad.”

Hoggaamiyaha daafaca Reds ayaa intaas ku daray inaysan weli jirin wada-hadallo qoto dheer oo uu la yeeshay maamulka sare ee Liverpool, isagoo hoosta ka xarriiqay: “Marnaba ma qabo wax walwal ama argagax ah oo ku saabsan arrintaas.”

Van Dijk ayaa ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid ah kulamada kooxdiisa Liverpool ee horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, inkastoo dhaawac fudud oo soo gaaray uu ka reebay kulamada soo socda ee xulkiisa qaranka Netherlands.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular