Arsenal Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Fasaxeyso Martin Zubimendi

Kooxda Arsenal ayaa ku wargelisay Chelsea iyo kooxaha kale ee xiisaynaya saxiixa Martin Zubimendi inay ku doonayso ugu yaraan 60 milyan oo gini, ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Xiddiga Khadkan dhexe ee reer Spain ayaa boos joogto ah ka waayay shaxda tababare Mikel Arteta. Inkastoo uu bilow fiican ku bilowday waayihiisa kooxda, saamayntiisa ayaa hoos u dhacday dhammaadkii xilli-ciyaareedkii hore, waxaana xilli-ciyaareedkan sii yareeyay fursaddiisa imaatinka xiddiga cusub ee Bruno Guimaraes.

Arteta ayaa haatan doorbida inuu khadka dhexe ka wada ciyaarsiiyo Guimaraes iyo Declan Rice, iyadoo da’yarka Myles Lewis-Skelly uu isna yahay dookh kale oo diyaar ah. Tani waxay keentay in Zubimendi uu ciyaaro 380 daqiiqo oo keliya 12 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli-ciyaareedkan.

Sida uu qoray wargeyska The Independent, rabitaanka Arsenal ee ah inay la soo wareegto weeraryahan cusub bisha Janaayo ayaa ku xiran in la iibiyo ciyaaryahan weyn. Zubimendi ayaa ah musharraxa ugu cadcad ee la fasixi karo, balse Gunners waxay doonaysaa inay dib u soo ceshato lacagtii 60-ka milyan ahayd ee ay ku soo iibsatay 16 bilood ka hor.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in kooxda Chelsea ay tartan adag kala kulmi doonto kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid iyo kooxdiisii hore ee Real Sociedad, kuwaas oo dhammaantood xiisaynaya saxiixa Zubimendi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular