Halyeeyga kooxda Manchester United, Paul Scholes, ayaa saadaaliyay in weeraryahanka Erling Haaland uu ku biiri doono kooxda Barcelona halkii uu aadi lahaa Real Madrid, haddii uu ka tago kooxda Manchester City.
Haaland oo 26 jir ah ayaa ku sugnaa garoonka Etihad tan iyo sanadkii 2022, isagoo kula jira heshiis gaaraya ilaa xagaaga 2034. Si kastaba, shaki weyn ayaa ku gadaaman mustaqbalkiisa fog ka dib markii lagu helay Man City dambi ah inay jebisay xeerarka dhaqaalaha. Kooxda ayaa racfaan ka qaadatay xukunkaas, balse haddii ay ku guuldareysato waxay wajihi kartaa ciqaab adag oo ay ku jirto in laga saaro horyaalka Premier League.
Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah labada naadi ee sida weyn u doonaya saxiixa xiddigan reer Norway. Barcelona oo xagaagii 2026 la soo wareegtay Gabriel Jesus ka dib markii ay ku fashilantay saxiixa Julian Alvarez, ayaa haatan isha ku haysa Haaland.
Scholes oo ka hadlayay barnaamijka The Good, The Bad & The Football ayaa la weydiiyay halka uu aadi doono Haaland haddii Man City la ciqaabo, wuxuuna yiri: “Wuxuu aadi doonaa Barcelona. Laakiin wuxuu u muuqdaa wiil ku habboon Real Madrid, waana ku arki karaa isagoo xiran maaliyadda Real Madrid.”
Saaxiibkiisii hore ee Nicky Butt ayaa isna sheegay in aabbaha dhalay Haaland uu mar walba ku mashquulsan yahay qorshaynta mustaqbalka wiilkiisa, uuna diyaariyay halka uu aaddin doono.