Paul Merson Oo Shaaciyay Hal Arrin Oo Fashil Ku Keeni Karta Chelsea Xilli Ciyaareed Kaan

Halyeeyga kooxda Arsenal, Paul Merson, ayaa digniin culus u diray kooxda Chelsea, isagoo u sheegay in haddii ay ku guuldareystaan u soo bixitaanka tartanka Champions League ay taasi ku noqon doonto fashil aad u weyn oo taariikhi ah.

Sida uu qabo Merson, qaab-ciyaareedka ay haatan ku jirto Chelsea ma gaarsiisna heerka looga baahan yahay koox ku jirta shanta sare ee horyaalka Premier League. Falanqeeyahan 58 jirka ah oo fikraddan ku soo qoray maqaalkiisii ugu dambeeyay ee shabakadda Sky Sports, ayaa qiray inuu aad uga niyad-jabay bandhiggii liitay ee ay Blues muujisay kulankii ay la ciyaartay Sunderland toddobaadkan dhammaadkiisii.

Isagoo ka hadlayay ciyaartaas ayuu Merson yiri: “Aad iyo aad ayaan uga niyad-jabay qaab-ciyaareedkii Chelsea ee garoonka Sunderland. Run ahaantii uma aysan ciyaarin sidii laga filayay iyo heerkii looga bartay.”

Merson oo sii hadlaya ayaa hoosta ka xarriiqay in kooxdu ay la’dahay joogteynta natiijooyinka fiican, wuxuuna raaciyay: “Joogteynta ay haatan muujinayaan ma ahan mid u qalanta heerka shanta kooxood ee ugu sarreeya Premier League. Hadafka ugu weyn ee Chelsea waa inay u soo baxdo Champions League. Haddii ay ku guuldareystaan inay boos ka helaan tartankaas, waxay noqon doontaa guul-darro weyn iyo fashil aad u culus.”

Kooxda Chelsea ayaa xilli-ciyaareedkii hore seegtay u soo bixitaanka tartanka Champions League ka dib markii ay ku dhammaysatay meel ka baxsan shanta kaalmood ee ugu sarreeya kala-sarreynta horyaalka Premier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular