Kooxda Manchester United ayaa shaacisay inay 5% kor u qaadayso qiimaha tigidhada xilli-ciyaareedka 2025-26, taasoo ka dhigaysa sanadkii saddexaad oo xiriir ah ee sicir kordhin la sameeyo.
Go’aankan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay taageerayaasha, kuwaas oo ku tilmaamay “mid meel ka dhac ah” isla markaana ugu baaqay qoyska Glazer inay xal u helaan dhibaatooyinka dhaqaale iyaga oo aan culayska saarin taageerayaasha.
Kooxdu waxay sheegtay in sicir kordhintan ay lagama maarmaan tahay si loo daboolo kharashaadka hawlgalka ee sii kordhaya iyo caqabadaha dhaqaale ee jira, iyada oo la doonayo in la ilaaliyo xasilloonida dhaqaale iyo in la taageero maalgashiyada mustaqbalka ee kooxda iyo garoonka.
Si kastaba ha ahaatee, Ururka Taageerayaasha Manchester United (MUST) ayaa muujiyay niyad-jabkooda, iyaga oo ku baaqay in la joojiyo sicir kordhinta, sida ay sameeyeen kooxo kale.
Intaa waxaa dheer, kooxda ayaa qorsheyneysa inay bedesho meelaha u dhow kuraasta tababarayaasha oo loo rogo kuraas marti sharaf ah, iyo inay soo rogto lacag dhan £10 oo lagu isticmaali doono adeegga rasmiga ah ee dib u iibinta tigidhada 14 maalmood gudahood ka hor ciyaarta.
Isbeddelladan ayaa sii kordhiyay cadhada taageerayaasha, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha ay si toos ah ula kulmeen saamilaha kooxda Sir Jim Ratcliffe, iyaga oo ka cabanaya sicir kordhinta iyo culayska dhaqaale ee la saarayo taageerayaasha daacadda ah.
Waxaa xusid mudan in kooxda ay sidoo kale qorsheyneyso dhismaha garoon cusub oo qaadi kara 100,000 qof, kaasoo lagu qiimeeyay in ka badan £2 bilyan, inkasta oo kooxda ay la daalaa-dhaceyso deymaha dhaqaale ee gaaraya in ka badan £1 bilyan.